Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza]
GAARIS.
Jiiftadan waddaniga ah waxaa curiyay Abwaan Maxamad Cabdiqaadir Daauud [Stanza] wuxuu tiriyay markey taariikhdu aheyd 16 February 2003. Waa Jiifta uu Abwaanku ku ammaanayo magaalada Garissa ee xarunta gobolka N.F.D ama waqoyibari Kenya kuna muujinayo jacaylka muwaaddinnimo ee uu u qabo maadaama uu mudda dibadda kaga maqnaa.
Gorgoryahoow lalaayee
guuraaya leylkiyee
garbihiisa fidiyoow
masaafaha gudbaayee
qaaradaha u gooshoow
arrin iga gurracantaan
dooni inaad gargaartood
shimbiryahoow gorfeysee
guurtidaada keenoo
saaxib gacanta ii dhiib
gayi aan jeclahayoo
gabiib iyo barwaaqa ah
oo loogu dawgalay
gaaguuro malab iyo
moos gacan-muraarya leh
gallad iyo baraar iyo
geeda harac ohoo dihin
adoon igu gaboodfalin
salaanteyda gaarsii
gurya-sama wanaagey
Gaarisaay ma nabad baa?
Gaarisaay waxaa tahay
gayi lagu nagaadiyo
goob loo dalxiistago
iyo guri dugsoonoo
geestaan waxgeystiyo
gasar dhiillo lagu arag
gacalkuna ku badanyahay
hooygii waxgaradkee
Diinta lagu gardaadshaay
gasariir dhibaatiyo
gaajo laga daboolaay
gurya-sama wanaageey
Gaarisaay ma nabad baa?
Gibilkeyga oo idil
gacaltooya aawgeed
gabbal baad ku leedahay
garibaxanta naagtiyo
godadlaha nindoorka ah
gurigoodi baa tahay
gabbalkii dhacaayiyo
waagii guduutaba
dalag baa kasoo go'a
ciiddaada garawga ah
gobolkii dalkeeygaay
gabayadii waxaa tahay
gadidda iyo beecee
gurya-sama wanaageey
Gaarisaay ma nabad baa?
Wabigii Ganaaniyo
gacan waxaad ku taalaa
gasariir kastoo dhaca
aan gureynin abidkii
waxaa gudaha joogaan
Gareen iyo Garfaad iyo
nooca Gabaramaanyood
kallun gaarba midabkii
macdan kugu garoodheey
dadku gacantogleeyaan
gubba lagu dakeeyiyo
beertii gobnimadaay
gurya-sama wanaageey
Gaarisaay ma nabad baa?
Gabdha wada xijaabanoo
Diinta abid gargaaraan
asluubtooda gaarka ah
sannada ayna gaarmarin
oon fircooni loo gudin
anshax loo gardaadiyoo
edab lagu guubaabiyay
sidi Geenya-faraseed
gaalibaaya socodkoo
goobaha waxbarashada
u garbeytammaayaan
goombaarna laugu arag
gurigoodi baa tahay
gurya-sama wanaageey
Gaarisaay ma nabad baa?
Ma-gabada nindoor iyo
geesi iyo naftiihure
culimada garrudka ah
ee Diinta gaacshaan
fisqigana gummaadaan
galleef ciraab dheer
gabyaa laga macaashoo
guubaabiya tolkoo idil
gaashaan xornimadoon
hawraarta gaarka ah
waligii gorfeeyiyo
gidaar aan la soo marin
gurigoodi baa tahay
gurya-sama wanaageey
Gaarisaay ma nabad baa?
Beera wada gingimanoo
hoobaan gigilayiyo
gaaheyr shindhalad baxay
galka faraqa soo daray
gabbaldaya la daawada
iyo geedba midabkii
cirifyada gadaameen
girgirada dhir kaga xiran
oon gidir aheynoo
abuur uu ku gaagixin
gabiib iyo bacriinba ah
gabbaanoobin abidkood
gurigoodi baa tahay
gurya-sama wanaageey
Gaarisaay ma nabad baa?
Garanuugta, Garigiyo
Goodirka iyo Deerada
geesleey dhammaantood
iyo Goray-haldhaagii
Geela iyo Gammaantuba
goob lagu dhaqaa tahay
gandi iyo qaniin laheyn
kuwa garab ku duulaan
Gorgor iyo Galleyr iyo
Geeltoosiyiyo Galaw
Guumeys koleey tahay
goob laga helaa tahay
gurya-sama wanaageey
Gaarisaay ma nabad baa?
Goolki aayatiinkiyo
goobtaan higsanayaay
Igadh aana gurineey
guuleysa waligaa
xarun ganacsi baa tahay
gurmago'an ha noqon abid
gacal wada midoobiyo
gadaalsama Allahayoow
Gulla waxaan filayaa
adoo gaar u joogsadoo
gobolkoo dhan maamula
gurya-sama wanaageey
Gaarisaay ma nabad baa?
Genbi iyo colaad iyo
gaashaandhig cadawnimo
saqiirgoowrac iyo ceeb
iyo gacal dagaalama
kaa gargaar Allahayoow
guyaal hore wixii dhacay
ka gilgila xummaantii
Rabboow aad garoobeyn
ama aad golmaran noqon
gabaadiir abaareed
gallad iyo wanaag iyo
gashimeysa waligaa
gurya-sama wanaageey
Gaarisaay ma nabad baa?
Goobyehey gabiibta ah
yaa goorwalbiyo leyl
gayigaaga daawada
oo gees illaa gees
gaardi socod ku soo mara
iyo geeddakaciyaar
galabtii markey tahay
wabigaa Ganaanee
galbeed dacalka kaa mara
oo biyaha gaaciayay
gugu waa barwaaqee
goonyahiisa daawadoo
goombaar lama ammaanee
yaa gabadh garmaama ah
Geenya kugu aroosaa
gurya-sama wanaageey
Gaarisaay ma nabad baa?
posted by Issa Abdirahman (SWEDEN) issedin8@hotmail.com |